ARDAYDA JAAMACADDA ADMAS EE DHAMAYSATAY WAXBARASHADA MASTER-TA OO DIFAACDAY BUUGOOGI QALIN-JABINTA

ARDAYDA JAAMACADDA ADMAS EE DHAMAYSATAY WAXBARASHADA MASTER-TA OO DIFAACDAY BUUGOOGI QALIN-JABINTA

Ku dhawaad 50 Arday oo ka tirsan Jaamacadda Admas ayaa xaflad ay ku difaanacayaan buugoogi qalin-jabinta shahaadada heerka Labaad ay jaamacadu ugu qabatay xarunteeda u gaarka ah barnaamijka Master-ta shalay 03-dii Oktoobar 2017.

Ardaydan oo soo wadday  daraasada buugooga shantii bilood ee u dambaysay, ayaa kala bartay barnaamijyadda kala ah: Maaraynta Shaqada iyo Shaqaalaha (Human Resource Management) iyo Maamulida Mashaariicda (Project Management).

Si kastaba ha ahaate, xafladan oo uu si rasmi ah u furay Mudane Ahmed Naasir, Mid ka mid ah Gudoomiye-ku-xigeennada Jaamacada Isla markaana ah Madaxa Arrimaha Waxbarashada Jaamacada (Academic Vice President) ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka ay waxbarashadan u qaadan jireen ardaydan buuga difaacanaysay, “ Ardaydu waxay barnaamijkan dhigan jiraan maalmaha fasaxa sida Khamiisaha, Jimcaha iyagoo shaqooyinkooda iyo hawlahooga kaleba iska wata”, Ayuu yidhi mudane Axmed Naasir.

Hadaba, hanaanka difaacista buuga ardayga waxbarashada heerka labaad dhamaystay ayaa ahaa mid aad u adag. Arday kasta waxa uu hor tagayay panel ka kooban 3 barre-jaamacadeed    waxaanay ardaygiiba haysanayeen mudddo hal saac oo buuro ah gaadhaysay. Iyadoo 20 daqiiqo uu ardaygu buugiisa sharaxayo, 30 daqiiqana su’aalo ad adag oo daraasadiisa la xidihiidha dabada loo qabananay.
Maxsuulka qiimayntana isla goobta loogu sheegayay.

Waa markii ugu horaysay ee Jaamacadda Admas ay arday dhamaysatay waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree) ay ka qalin-jabin doonto.

 

 

No Comments

Give a Reply