Dr Bilal Philips Oo Muxaadiro Ku Saabsan Mahadnaqa Eebe Ujeediyey Ardayda Jaamacada ADMAS

Dr Bilal Philips Oo Muxaadiro Ku Saabsan Mahadnaqa Eebe Ujeediyey Ardayda Jaamacada ADMAS

Dr Bilal Philips oo ah Aqoonyahan Culuumta diinta Islaamka bartay oo u dhashay dalka Jamaica, balse ku soo koray dalka Canada oo booqasho ku yimid Somaliland dhawaan ayaa xalay muxaadiro qiimo badan u jeediyey Ardayda Jaamacada Admas. Muxaadiradan oo Dr Bilal Philips uu

kaga hadlay Mahadnaqa Eebe iyo muhiimada ay leedahay ayaa si weyn usoo jiidatay dhamaan Ardayda iyo xubnihii kale ee ka soo qaybgalay. Dr Bilal ayaa isagu meel sare ka gaadhay barashada Culuumta Islaamka waxaanu dhamaystay 1979-kii barashada luuqada Carabiga iyo shahaadada B.A uu ku qaatay “Usul Ad-diin” jaamacada Islaamka ee Madinah, waxa kale oo Dr. Bilal uu bartay barashada diinta Islaamka oo uu ka gaadhay PHD sanadkii 1994-kii. Ugu horayna waxa madashaasi ku soo dhaweeyey Axmed Naasir Xasan Xaaji oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan jaamacada Admas, kaas oo soodhaweyn kadib uga mahadnaqay inuu mawduuc qiimo badan uu la wadaago Ardayda Jaamacada Admas. Jaamacada Admas ayaa iyadu qayb weyn ku leh in Ardayda ay hor keento cid wal oo lagu tuhmayo aqoon si ay muxaadirooyin ay Ardayda jaamacada ugu jeediyaan si ardayda kor ugu qaado waxbarashadooda. Waxaana dhawaan Ardaydaasi sidoo kale Muxaadirooyin u jeediyey Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Sheekh Mustafe. Halka uu xalayna Dr Bilal uu Muxaadiradaasi u jeediyey Ardaydaasi, waxaan ka mid ahaa Khudbadiisii “Waxa uu alle yidhi ‘Hadii aad ku shugri naqdaan, waa idiin siyaadinayaa ayuu illaahay qur’aankiisa ku sheegay, mar kasta oo aad ku shugri naqdo illaahay wuxuu idiin balan qaaday inuu idiin kordhinayo. Dhinaca kale waxa uu alle inoo sheegay hadii aad ka gaalowdaan oo aad rumayn waydaan oo aad ku shugriyi naqi waydaan, cadaabkaygu wuu daran yahay”. Dr Bilal ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay tusaale nin maalqabeen Jarmal ahaa oo dhibaatooyin dhaqaale ay la soo darseen oo naftiisa halaagay waxaanu yidhi “2009-kii iyadoo ay badan yihiin kiisaska dhaca ee noocan ah. Mid ka mid ah raga Warshadaha Jarmalka Iska leh oo la cadeeyey inuu ka mid ahaa 47-ka qof ee ugu maalqabeensan aduunka, waxa uu lahaa Qaniimad 19bn dollars ah, waxa soo wajahay burbur dhaqaale intii uu ku gudo jiray, markii dhibaatada dhaqaale ay ku habsatay Baananka Maraykanka 2008-dii oo ay ku fiday wadamada Yurub, ayaa intii lagu gudo jiray dhibaatadaasi dhaqaale hal todobaad ninkaa warshad-layda ah oo da’diisu tahay 74 jir ah, waxa uu dhaqaale burburkaasi ku waayey qadar dhan 9bn dollar ah hal todobaad gudaheed, markaa muxuu samayn lahaa? Ma gurigiisa ayuu iska tagi lahaa?. Wuxuu sameeyey qoraal ayuu qoray wuxuuna isku dhigay tareen, isaga oo naftiisa dilay. Maxaa yeelay waxa u muuqday inta uu waayey oo kaliya.” Dr Bilaal oo la dardaaray Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa uu yidhi “Arday ahaan ardaydiina halkan joogtaa inaad hore u wadaan noloshiina, waa in aad ku mahadnaqdaan waxa aad haysataan, waxa alle idin siiyey”.

No Comments

Give a Reply