Jaamacada Admas Oo Xalay Lagu Qabtay Munaasibad Lagaga Hadlayay Miisaanka Maasada Soomaaliyeed

Jaamacada Admas Oo Xalay Lagu Qabtay Munaasibad Lagaga Hadlayay Miisaanka Maasada Soomaaliyeed

Jaamacada Admass ayaa xalay munaasibad balaadhan ku qabatay xarunta guud ee jaamacadu kuleedahay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka jaamacada iyo ardayda dhigata qaybaha kala duwan ee jaamacada.

BDD06 4

Ugu horayna Waxaa faahfaahin kabixiyay ujeedada xaflada iyo waxay daarantahayba gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admass Mudane Axmednassir Xasan Xaaji isagoo ugu horayna umahad celiyay martidii ka soo qayb gashay xaflada “Lecture – kani waa mid kamida casharadii aynu awalba qaadan jirnay kuwaasi oo iskugu jiray Diini iyo maadiba, waanay socon doonaan ilaa inta sanadku dhamaanayo, tan caawuna waxa ay ku saab santahay Miisaanka Maasada Soomaalida, waxaana si faahfaahsan inoogu sharaxi doona aqoonyahan Martin oo caawa inoo martiya” ayuu yidhi Mudane Axmednassir.

BDD06 1

Gudoomiye Axmednassir ayaa ku soo dhaweeyay Masraxa Dr. Martin Orwin oo ahaa aqoon yahan bartay luuqada Soomaaliga isla markaana siwanaagsan usharaxay Miisaanka Maasada Soomaalida isagoo sooqaatay gabayo badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ardayda Jaamacada iyo martidii ka soo qayb gashay munaasibada ay aad usoo dhaweeyeen.

BDD060

Dr. Martin ayaa ah aqoon yahan aan ahayn Somali balse bartay luuqada isla markaana heerwanaagsan ka gaadhay barashada Luuqada Somaliga.

BDD069

Dr. Martin ayaa luuqada Somaliga barbardhigayay qaar kamida luuqada lagaga Hadlo adduunka, kuwaasi oo uu sheegay in Luuqada Af-somaligu uu ka balaadhanyahay, leeyahayna shaqal dheer iyo shaqal gaabanba, waxaanu aqoonyahanku tilmaamay in luuqada Somaligu tahay luuqad qaniya.

BDD06

Jaamacada Admass ayaa soo marti qaado aqoonyahanada lagu tuhmayo Cilmiga diinta iyo maadigaba si ay ardaydeedu uga faa’iidaystaan dadka cilmiga leh.

BDD06844

Khudbadan xalayna may ahayn tii ugu horaysay ee ardayda jaamacadu qaadato, waxaa ka horeeyay qaar kale oo ay soo jeediyeen dad cilmi leh.

BDD06866

Jaamacada Admass ayaa ku dadaasha kolba inay soo marti qaado Aqoonyahanada dalka udhashay iyo kuwa ajaanibka ahba si ay ardayda jaamacada uga faa’iidaystaan,Taasi oo ardayda dhiiri gelin wanaagsan u ah.

BDD0686u

No Comments

Give a Reply