JAAMACADDA ADMAS OO BOQOLAAL ARDAY OO CUSUB SOO DHAWAYN IYO ‘ORIENTATION’ U SAMAYSAY

JAAMACADDA ADMAS OO BOQOLAAL ARDAY OO CUSUB SOO DHAWAYN IYO ‘ORIENTATION’ U SAMAYSAY

Jaamacadda Admas ayaa boqolaal arday oo cusub kuwaaso kusoo biiray jaamacadda u qabatay ugu qabatay xaflada orientation ah xarunteeda dhaxe galinkii dambee ee maalinimaddii Arbacadii oo ku mudaysnayd 28 Nov 2017.

Xafladdan oo si qurux badan loo soo qaban-qaabiyay taaso bilaabantay 4:30 Galabnimo, dhamaatayna 8:00 Fiidnimo ayaa ujeedada laga lahaa ay ahayd in ugu horayn si diiran loogu soo dhaweeyo ardayda cusub jaamacada , marka xigtana si faahfaahsan looga dharjiyo Jaamacadda, taariikhdeeda, kuliyadaheeda, nidaamkeeda waxbarasho, iyo shuruucda iyo qawaaniinta u taal.

Hadaba, xaflada oo ka koobnayd qaybo kala duwan ayaa waxaa ka mid ahayd hadalo ay ka jeediyeen maamulada kala duwan ee jaamacadda, waxaana ugu horayn hadalka furitaanka iyo soo dhawayntaba watay soo jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda, Mudane Ixsaan Cumar Ismaaciil.

Waxaa xigay hadalka Madaxwyane-xigeenka Dhanka Tayada Waxbarashada, Mudane Tesfaye oo ka xog-waramay taariikhda jaamacada, tayada waxbarashada ay bixiso iyo goobaha ay kaga taalo Geeska Afrika.

Intaa ka dib, waxa hadalka qaatay Mudane Xuseen Cabdillahi, Gudoomiye-xigeenka Jaamacadda ee Dhanka Maamulka iyo Maaliyadda, isagoo sida barnaamijka xaflada ku dhignaa, iftiimin ku sameeyay qaab-dhismeedka.

maamulka jaamacadda iyadoo ujeedadu  ahayd in ardayda la fahamsiyo nidaamka ay u marayaan marka ay cabasho qabaan iyo guud ahaan inay ka dharag-sanaadaan nidaamka iyo kala dambaynta jaamacadda.

Axmed Naasir, Gudoomiye Xigeenka Arimaha Waxbarashada oo isna ka mid ahaa madaxda sare sare ee jaamacadda ee barnaamijka qaybta ka ahayd ayaa isna dulmar ku sameeyay barnaamijyadda jaamacadda, saacadaha looga baahan yahay ardayga, IWM.

Hadalada muhiimka ahaa ee xaflada laga jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa hadalada ay kala jeediyeen Abdiraxmaan Cabdilahi, Madaxa Maaliyadda Jaamacada iyo Mukhtaar Axmad Cumar, Madaxa Waaxda Qorshaynta Duruusta iyo Jadwalka Waxbarashada Jaamacadda.

Masuulka hore wuxuu ardayda cusub u sharaxay nidaamka loo bixiyo fee-ga jaamacadda iyo waqtiyadda la bixiyo. Xaga masuulka dambenaa uu tafaasiil ka bixiyay duruusaha ardayda ku waajibka ah, kuwa ay drop-garayn karaa iyo xiliga iyo sida ay u gali karaan imtixaanada ku celiska ah. (Make up)

Ugu dambaynti waxaa xaflada hadalo ka jeediyay arday hore jaamacadda uga qalin-jabisay oo ka dib intay meherado furteen ku najaxay. Waxaanay ardayda usoo hor istaageen si ay uga marag kacaan inay iyaguna ka dheefi doonaan waxbarashada Jaamacadda Admas hadii eebe idmo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

No Comments

Give a Reply