Jaamacadda Admas oo tababar xaggashaqo-raadinta ah u furtay ardayda Senior-ka ah ee wax ka dhigta Jaamacaddaas

Jaamacadda Admas oo tababar xaggashaqo-raadinta ah u furtay ardayda Senior-ka ah ee wax ka dhigta Jaamacaddaas

Jaamacadda Admas ayaa tababar la xidhiidha sida shaqooyinka loo raadsado ama CV-yada loo  qorto u furtay ardayda class-yada sare ee ku jira sanadihii ugu dameeyey wax barashadooda sare,tababrkan oo ah si da xaga sare ku xusan mid la xidhiidha sidii ay ardaydaasi ugu sii indho kala qaadi lahaayeen qaabka loo hormariyo nidaamka shaqo raadinta iyo habka loo dhexgalo bulshada ay shaqooyinka ka doonayaan waxaa loo qabtay ardayda ku gudajira diyaarinta Book-gii ay kaga qalinjabin lahaayeen Jaamacaddaasi waxbarashadoodii dheerayd ee ay sadihii la soo dhaafay la soo jiifeen. Dene-ka Kulliyadda Ganacsiga Mr Cadifataax ayaa sharaxaad kooban ka bixyye waxauu tababarkan yahay iyo waxa uu kusaabsan yahay waxaanu sheegay sida xagga sare ku xusan inuu yahay mid la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka ardayda dhigata Jasamacadda kuwaas oo loo siitababarayo inay jaamacadda ka tagaan iyaga oo leh khibrad ku filan si aanay hadahaw ugu dhex hafanin shirkadaha Ganacsiga iyo hay’adaha kale ee ay shaqada ka doonayaan.

“Tababarkani waxa uu la xidhiidha sidii sare loogu qaadi lahaa fahamka ardayda Clss-yada sare ee isu diyaarinaya inay bilah asoo socda Jaamacadda ka qaataan shahaadadii sare ee ay naawilayeen sanado badan”ayuu yidhi madaxa kulliyadda Ganacsiga ee Jaamacadda Admas University College.tababarkan oo ay ka soo qabageel arday kor u dhaafaysay boqolaal isuugjiray Inamo iyo Hablaba waxay duruus la xidhiidha culuumta arrimahaasi ka dhagaysanayeen Dr Aadan oo ah khabiir cagta soo mariyey waddamo kaladuwan sida Bariga dhexe iyo Yurub intaba kaas oo aqoon fiican u leh arrimaha dhe-galka bulshada gaar ahaan nidmaanka shaqooyinka loo raadiyo. “macalinka bixinaya duruustaasi waa Dr Adan waana nin gaacsade ah balse aqoon dheeraad ah u leh arrimaha la xidhiidha qaabka shaqo doonka iyo siyaabaha loo diyaarsado CV-ga marka la doonayo in uu qofku shaqooyinka doonto iyo sidoo kale qaabkii uu ula macaamili lahaa cida uu shaqada ka doonayo hadii ay ajaanib ahaan lahaayeen iyo hadii ay Somalida qudhoodaba ahaan lahaayeen.

No Comments

Give a Reply