Jaamacadda Admas oo xarunteeda ku soo bandhigtay Masraxiyadda Riwaayadd loogu magacday Hiil-baan u baahnay

Jaamacadda Admas oo xarunteeda ku soo bandhigtay Masraxiyadda Riwaayadd loogu magacday Hiil-baan u baahnay

Jaamacadda Admas University College ayaa soo bandhigtay xaflad lagu jilayey masraxiyad dhaqameed loogu magacdaray “Hiilbaan u baahnahay”midhaha riywaadaasi waxay ka soo maaxatay Yaasmiin Maxamed Kaahin waxaana Riwaayadda soo badnigay ama jilayey

kooxda Hiddo Academy oo madasha xafladdaasi ku soo bandhigay heeso iyo qoob-kaciyaar la xidhiidhay xagga dhaqankka iyo barashada afka Somaliga. munaasibadda masraxiyadda xafladdaasi oo si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgaay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Admas,ardayda Jaamacada oo casarkii hireba la arkayey iga oo sii kalaboobaya kuraasta safka horey si aanay uga caal-taagimin daawasbada Riwaayaddaasi.

waxaana furitaankii xafladdaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka maamulka lacagta Xuseen Cabdillaahi waxaanu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Jaamacadda Admas University inay fududaysay qabsoodmidda bandhigga masraxiyaddaasi. Dhanka kalana waxa uu xusay inay kooxdan jilayaasha riwaayadda masraxiyadda Hiilbaan u baahnahay cidda ay hiilka uga baahanyihiin ay yihiin Jaamacadda Admas iyo ardaydeeda “waxaan filayaa inaad is waydiinaysaan cidda hiilka u baahani waayo horta? ma kooxdan Hiddo Acamedy baa mase waa Gabadha Riwaayadda soo alliftay?waxaan idiin sheegayaa cidda hiilka u baahani waa dhaqankeenii iyo afkeenii Somaliga ahaa” ayuu yidhi Xuseen Cabdillaahi. “Jaamacadda Admas waxaan filayaa inay Yaasmiin iyo kooxdeeda Hiddo Academy ay hiil ka helidoonaan Bahda Jaamacadda Admas” ayuu yidhi Xuseen Cabdillaahi Maxamuud waxaa iyana halkaa lagu soo dhaweeyey curiyaha Riwaayadan Hili-baan u baanahay Yaasmiin Maxamed Kaahin waxaaay halkaa ka soo jeedisay khudbad qiimo badan oo xoogga saaraysay tacadiyadii ku dhacay afkii Somaliga iyo waxkaqabashada arrintaasi oo bahdilaad badani ki dhacday sanadihii la soo dhaaday. Ms Yaasiim Maxamed Kaahin oo ah hooyo xaas iyo reer leh waxay sheegtay inaysan garan waayin inay ku ekaato ilaalinta gurigeeda iyo caruurteeda basle ay damaqday dhibaatada weyn ee soo foodsaartay afkii Somaliga oo ku dhexmilmay afafka kale ee dunida “aniga waxaan ahay hooyo caruur iyo reer leh mana aanan garan waayin inaan ku ekaado gurigayga iyo caruurtayda inaan ilaali oo aan iyaga dhexjoogo waanad igula yaabikartaan balse waxa idamqay waa silaca iyo dhibaatada haysata afkeenii Somaliga oo hiil inooga baahaan” ayey tidhi Ms Yaasmiin Maxamed Kaahin. Abwaanadda Yaasmiin waxay sheegtay inay doonayso inaanay caruurteeda kula hadlin dhawr a foo isku jira sida Ruushka,Ingiriiska iyo qaarkale oo la somaliyeeyey “caruurtaydu markay waaweynaadaan ma waxaan kula hadlaa afjacbura oo Somaliya,Ruush iyo Ingiriis isugujira mase waxaan kulahadlaa afkoodii hooyo ee ahaa Sonaliga oo saafi ah?ayey tidhi Abwaanad Yaasmiin Maxamed Kaahin. Abwaanadda Yaasmiin waxay kawarantay habeen habeenada kamida inay hurdada dhexeeda uga muudeen waxay ku sheegtay Humaagg kaas oo ay ula jeeday warwarka ay ku seexatay oo ka hayey dhinaca burburka ku yimid afkii Somaliga sidaa darteed isla hurdada dhexdeeda ayey ku soo baraarugtay “waxa gurigaygii iyo caruurtaydii aan uga soo dhexbaxay waxaan u adkaysan waayey burburkii ku dhacay afkeenii Somaliga waxaanan doonayaa wax uun baan dhalaye idinkama wayniye inaan u hiilino afkeenii hooyo”ayey tidhi mu’allifadda riwaayadda Hiilbaan u baahnahay oo si weyn u ruxday kuraastii madashaasi.intaa kadib waxaa madasha xafladdaasi kahadlay Mr Dheegg oo ah hogaamiyaha kooxda Hiddo Academy waxaanu in doora ka sheekeeyey sidii uu ku bilaabay arrimaha fanka iyo qoobka ciyaarka waxaanay isaga iyo kooxdiisa Hiddo Academy halkaa ku soo bandhigeen Riwaayad qiimo badan oo lala tacajibay qurxdeeda. waxyaabihii sida weyn loola dhacay daawashadii xafladdaasi waxaa kamid ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u hayl-haylan oo hadana dayacan oo kabaha uu xidhan yahay dul iyo hoosba ka dhamaadeen oo arradan lugahana ka dhutinaya oo lagu seegay inuu yahay Afkii Somaliga oo sii dhumanaya iyo midkale oo yaw-yah ah oo dhaga kulajira sameecado oo mirqaansan heeso ajaanib ahna ku heeshay oo lagu sheegay inuu yahay afafkii kale oo Somaliga meesha ka sii saaraya,Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo halkaa ka hadlay waxa uu soo jeediyey erayo ku salaysan runta iyo dhabta taas oo madasha daawadayaashii fadhiyey ay sacabada waxbadan isku garaaceen. Abwaan Weedhsame waxa uu si weyn u dhiirigaliyey dadka ku hadla afka Somaliga inay dib ugu laabtaan kalsoonidooda xagga dhaqanka iyo afkooda hooyo“hadaad dhex lugayso magaalada Haregysa kama helaysid kalmad kaliya oo ku qoran afka Somaliga boodhadhka meheradaha ganacsiga ee waxay ku qoran yihiin Ingiriisi iyo carabi iyo Faransiis” ayuu yidhi waxaanu soo qaatay waxyaabo kicin iyo dhiirigelinba ugu fulin daawadayaashii masraxiyaddaasi ku sugnaa. “waxaad ogaataan intiinaa caawa halkaa soo fadhida [ardayda Jaamacada Admas” waxaad tihiin safiirro uu afka Somaligu leeyahay ee ogaada ayuu yidhi Abwaan Weedhsame waxaanu sheegay inuu Admas u keeni doono Maanso cusub oo magaceeda layidhaado “Shan buu dhalay aan isdhaamin” waa shantii Somaliyeed sidaas ayuuna Abwaanku ku sheegay macnaha eraydaasi.

Source: www.Baadiye.net

No Comments

Give a Reply