Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shahaadooyin Gudoonsiiyey 513 arday oo qalinjabiyey Jaamacadda Admas University

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shahaadooyin Gudoonsiiyey 513 arday oo qalinjabiyey Jaamacadda Admas University

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey tiradii ugu badnayd ee markaliya ka qalinjabaisay Jaamacadda Admas University College ayaa lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,munasibadda xafladdaasi oo ahayd mid hab-maamuuseedkeeda horey loo arag isla markaana waxabadan soo jeedatay kumanaankii qof

ee daawdayaasha ka ahaa sidii ay u dhacaysay indhaha iyo quluubtoodaba waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici,horin ka tirsan Golaha wasiirrada iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha Dawladda iyo Shirkadaha Ganacsiga garr shirkadda caanka ah ee Dahabshiil oo iyadu bixisay dhamaan wixii dhaqaale ahaa ee lagu fududeeyey qabashada xafladdaasi. dhanka kalana waxaa si weyn uga soo qaybgalay mamalka sare iyo Macalimiinta Jaamacaddaasi xafiisyadeeda Hargeysa iyo Addis Ababa,ardayda tirada badan ee maanta qalinjabinaysay,waalidka muddada dheer ku soo tabcayey ardaydaasi iyo martisharafkale oo farabadan,subaxdii horaba waxaa soo buuxdhaafiyey Hoolka weyn ee shirarka heer caalami ee Hotelka Maan-soor ka soo qaybgalayaasii xafladdaasi oo si quruxbadan u kurtaasta ugu sugayey ardayda qalinjabinaysay intii ay ka soo diyaar agaroobayeen. sacabka iyo mashraxadda ayaa markaliya is qabsatay madasha hoolka xafladdaasi ka dhacay kadib markii uu Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo kamida saraakiisha Jaamacadda Admas oo barnaamijkaasi xidhiidhinayey ku dhawaaqay in la gaadhay xiligii ay maasha xafladdaasi oo loo agaasimay si heer caalami ah soo gali lahaayeen 513-ka arday ee lagu maamuusayey madashaasi quruxda badan.

Source:  Baadiye

No Comments

Give a Reply