Sheekh Maxamed Aadan oo muxaadaro qiimo badan [Hiigsiga sare] u jeediyey ardayda iyo maamulka Jaamacaddda Admas University

Sheekh Maxamed Aadan oo muxaadaro qiimo badan [Hiigsiga sare] u jeediyey ardayda iyo maamulka Jaamacaddda Admas University

      Sheekh Maxamed Aadan Muxume oo kamida shuyuukhda ugu caansan Somaliland ayaa khudbad qiima badan oo diini ah u jeediyey arday iyo maamulka Jaamacadda Admas University College,muxaadaran oo ciiwaankeedu ahaa hiigsiga himadda sare oo uu qofku

kufikiro inuu gaadho meelsare mustaqbalkiisa diini iyo dunawiba. Munaasibadda kulankaasi diiniga ah waxaa ka soo qaybgalay maamulka Jaamacadda,ardayda iyo martisharafkale,waxaaba arkaryey Sheekhu waxa uu sheegay waxay dadku ku kala tageeni inuu yahay hammiga sare oo ay dadka qaarkii leeyihiin halka ay inta badani ka gaabiyaan inay ku fikiraan sidiiay kugaadhi lahaayeen meelo sarsare. “hadii aad kufikirto inaad caawa salaatul-laylka u kacdo saqda dhexe oo aadan toosin balse uu ku talagalkaagu ahaa inaad kacdo waxaad ilaahay agtiisa ku leedahay ajirinkii aad helilahayd hadiiaad kacdo oo aad tokan lahayd” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed. “Ilaahay wuxuu yidhi reer Madiino waxaa kamida ka rumeeyey wixii ayIlaahay kula balameen waana wixii ay ku haminayeen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “wanaagga iyo khayrka laysma amaahiyo balse waa in loo baratamo sida uu ilaahay kitaabkiisa inoogu sheegay” ayuu yidhi

 

“miyey simanyihiin kan isaga oo sooman kitaabka qur’aanka kariimka ah wakhtigooda siinaya iyo kuwa musalsalka [filimada] ku luminaya jawaabtu waa maya” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed. Sheekhu waxa uu ka warramay aayadaha ku soo arooray barnaamijkan iyo Axaadiisa Rasuulka CSWSL “Nabi Muxamed waxa uu yidhi CSWSL hadii aad Ilaahay wax waydiisanayso inaad waydiisato Janatul-fardowsa” ayuu yidhi Skheekhu waxaanu ku dhiiri galiyey dhalinyaradii faraha badnaa ee Jaamacadda Admas inay kudadaalaan cabsida Ilaahay waayo waxa uu Ilaahay u abuurayba waa inay isaga uun caabudaan “Kaaryoonaha kan riixayaa iska daa kan dukaanka weyn xisbaabinayee waxa uu ku xisaabtamaa maalintii waxa uu soo shaqeeyey markaa inaguna waa inaan ku xisaabtanaa wixii aan maalintii iyo habeenkiiba shaqaysanay ee cibaadada Ilaahay ah” ayuu yidhi. dhanka kalana sheekhu waxa uu ka warramay cadawga dhabta ah ee ay umadda islaamka ahi leedahay inuu yahay shaydaanka kaas oo habaar qabe lagu salliday quluubta dadka inuu dhexgalo isla markaana was-waasiyo – oo uu cibaadada ilaahay ka mashquuliyo. “dadka qaarbaa ka fikira adiga adiga adiga uun oo aan naftiisa mooyee aan cidkaleba ka fikirayn balse waxaa loo baahan yihiin inaad ka fikirto inaad dadka kale anfacdo oo adan fikirkaaga ku soo koobin naftaada yar oo kaliya” “Miyaad u baahann tiyiin inaad mutakhasisiin ku noqotaan sida timaha loo xiiro ama cuntada loo kariyo oo kaliya” ayuu yidhi waxaanu sheegay inay dadku mutakhasisiin noqdaan si ay uga baxaan shaqo la’aanta hankana ay sare u qaadaan” “qaarbadan oo dadka tahriibay kamid ahi waxay ahaayeen idinka oo kale oo Jaamacadaha ayey ka bexeen balse himaddooda ayaa hoosaysay markaa waxaan idinkala talinayaa inaad ku fikirtaan inaad la haataan himadd sare oo aad fikirkiina sare u qaadaan si aad mustaqbalka meel sare u gaadhaan” ayuu yidhi. Muxaarada uu sheekhu ka jeediyey Jaamacadda waxa oo si ugu dha-dhamasyay ardayda gaar ahaan Gabdhaha oo si weyn ugu dhegtaagayey dhagaysiga muxaadaradaasi majirin arday kaliya oo ka kacay kursigiisa xiisaha ay u hayeen ardaydu erayada macaan ee sheekha afkiisa ka soo burqanayey. ugu dambeyntiina ardaydu waxay sheekha halkaa ku waydiiyeen su’aalo ka xidhiidhay mawduuca uu ka warramay iyo kuwakale oo ka baxsanaaba waxaanu sheekhu si quruxbadan uga jawaabay dhamaan su’aalihii uu la waydiiyey.

No Comments

Give a Reply