WACDARIHII XAFLADII QALINJABINTA DUFCADDII 9AAD EE JAAMACADDA ADMAS

WACDARIHII XAFLADII QALINJABINTA DUFCADDII 9AAD EE JAAMACADDA ADMAS

Waxa 10-kii October 2017 Jaamacadda Admas ka qalin-jabisay ardayda dufcadii 9aad xaflad si heer sare leh loogu qabtay Huteelka Mansoor ee Magaalada Hargeysa.

Dufcaddan, oo wadartoodu dhamayd 374 arday, ayaa ka koobnayd 35 arday oo dhamaysatay waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree) iyo 339 arday oo ka qalin-jabiyay waxbarashada heerka kowaad (Under Graduate Degree).

Kulliyadda waxbarashada heerka labaad, oo ahayd markii u horaysay ee arday ka qalin-jabiso, ayaa 18 ka mid ahi baratay cilmiga shaqada iyo shaqaalaha xaga 17-na ay dhamasyteen nidaamka qorshaynta iyo maamulida mashaariicda.

Waxaa xafladda ka soo qayb-galay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo; Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi; Wasiirka Qorshaynta Qaranka; Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta; Wasiirka Duulista iyo Hawada; Wasiirka Biyaha, Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada; Wasiir ku xigeenka Waxbarashada; Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland; Masuuliyiin ka kala socotay axsaabta siyaasiyadda ee UCID , Wadani iyo Kulmiye, Wufuud ka socotay dawladda Ethiopia; Wakiilo ka socday hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Hadaba, xafladan oo agaasimkeedu aad usoo jiitay indhaha kasoo qaybt-galayaasha, taaso goobta lagu dhigayay aad loo qurxiyay, loona nidaamiyay ayaa waxa si loo xiiso leh u daadihinayay Gudoomiye Xigeenka Jaamacadda Admas, Mudane Xuseen Cabdilahi kaaso qayb-galayaasha u diiday inay sinaba uga caajisaan habsami-u-socodkeeda xafladda

Ugu horayna wuxuu kalmadda furitaanka rasmiga ah siiyay Gudoomiyaha Jaamacada, Mudane Ixsaan Cumar Ismaaciil oo kadib markuu hambalyeey ardayda qalin-jabinaysay iyo walidiintooda ka xog waramay taariikhda jaamacada. Waxaanu sheegay in ilaa markii la aasaasay ay ka qalin-jabiyeen 5000 oo arday jaamacad. Wuxuu ku daraygudoomiyuhu in arday badan oo kuwaas qalin-jabiyay ka tirsani ay ka kala shaqeeyan hay’adaha, Meheradaha Gaarka loo leeyahay ee Ganacsiga iyo qaar iskood shaqo u abuurtay. Waxaanu si wayn u amaanay kooxda shaqada abuuratay iskoodna isku taagay.

Intii xaflada lagu guddo jiray bilowgeediiba, waxa shahaadooyinkoodi si gacan-dhaqsasho leh loo gudoonsiiyay ardaydii qalin-jabinaysay. Kuliyad kastana waxa shahaadooyinka gudoonsiiyay Wasiir ka mid ah wasiiradii marti sharafka ahayd iyo masuuliyiintii xafladda lagu soo casuumay.

Tusaale ahaan, Wasiirka Qorshaynta Qaranku, Mudane Qabyo Tire wuxu shahaadooyinka gudoonsiiyay ardaydii baratay Cilmiga Daraasaadka Horumarinta (Development Studies); Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu gudoonsiiyay ardaydii ugu saraysa kuliyadaha Jaamacada. Waxaa iyana ardayda gudoonsiyay shahaadoyin Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Biyaha, Wasiiru Dawlaha Waxbararshada, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Dr. Osman Fadal oo ka socday xisbiga wadani IWM.

Waxa barnaamijka xaflada qayb ka ahaa Kooxda Xidigaha Geeska oo heeso wadaniya oo goos-goos ah ku luuqaynayay taaso kasoo-qayb galayaasha xafladduna ay aad ugu riyaaqeen.

Waxa inta ka dib hadalo koob-kooban oo murti miisan leh xambaarsan ka jeediyay masuuliyiinta ay ka midka yihiin Proffessor Saleeban, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud; Masuul ka socday dawladda Ethiopia, masuuliyiin ka kala socotay xisbiyadda Wadani, UCID iyo Kulmiye.

Waxa isna halkaas ka hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland kaaso jaamacada Admas ku amaanay tayada waxbarashada sare ee ay ardayda dalka u bixiso, waxaanu dardaaran siiyay ardaydii qalinjabisay.

Gunaanadkiina, Ka dib markuu madaxwaynuhu gudoonsiiyay ardaydii ugu saraysay kuliyadaha Jaamacada gaar ahaan labadii arday ee hormoodka u ahaa qaybta waxbarashada heerka kowaad iyo ta labaad, Waxaa xafladii lagu soo gunaanaday shahaado sharaf la siiyay isla madaxwaynaha kaaso ay jaamacadu ku amaantay waxqabadyo farabadan oo intii talada dalka uu hayay uu fuliyay.

Sidoo kale, waxay jaamacaddu shahaado sharaf gudoonsiisay gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Professor Saleeban oo ay jaamacadu u aqoonsaatay ‘Aabihii Waxbarshadada Sare ee Somaliland’.

Waxa intii xafladuu ay socotay si toos ah looga baahinayay habsami u socodka xaflada muuq-baahiyaasha True Cable, Horn Cable, SO GASHO oo si toos ah barta bulshada ee Facebuuga ka sii daynaysay.

No Comments

Give a Reply