Kulliyadda Social Work ee Jaamacadda Admas Oo xustay maalinta caalamiga ah ee Social work day

Kulliyadda Social Work ee Jaamacadda Admas Oo xustay maalinta caalamiga ah ee Social work day

Kulliyadda Sceince-ka gaar ahaan qaybteeda Social Work oo kaashaynaysa maamulka sare ee Jaamacadda iyo kulliyadaha kale ee Jaamacadda Admas Unicersity College ayaa si weyn ugu dabaal dagtay xsuka maalinta caalamiga ah ee dunida oo dhan laga xuso ee

SOCIAL WORK DAY taas oo ku beegnayd maanta oo ay taariikhdu ahayd 19-3 2014. munaasibadda maamuuska xafladdaasi oo si quruxbadan loo soo abaabay gaar ahaana ay ku soo farayaraysteen ardayda Kulliyaddaasi isla markaana aanay iyada oo kale horey uga dhicin hadda kahor Jaamacadda Admas gudaheeda iyo kuwa kale ee dalka toona [waasidii ay madashada kaga dhawaaqeen dhamaan daawada yaashii xafladdaasi] ayaa lagu qabtay xarunta weyn ee Jaamacadda Admas Univertsity College ee magaalada Hargeysa. xafladdan waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Xuseen Cabdillaahi Maxamuud,Madaxa Kulliuyadda Social Work Professor Mukhtaar Caabi,wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqaday iyo arrimaha bulshaadaa Marwo Shukri Xariir Ismaaciil,Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye,Professor-rada Jaamacadda wax ka dhiga iyo guud ahaa shaqaale waynaha Admas University College,wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhiisnta ee ugu dambeeyey maamulkii Daahir Riyaale Kaahin Cali Cimli Geelle,Marwo Faadumo Siciid iyo shakhsiyaad kale oo shahaadooyin halkaa lagu gudoonsiiyey kuwaas oo ay Jaamacaddu u aqoosnatay inay yihiin dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada [Social workers] iyo marti shatraf kale oo soo buux dhaafiyey barxadda weyn ee Jaamacadda Admas University College. dhanka kale waxaa iyana madadashaasi si ballaadhan uga soo qaybgalay Ardayda Kulliyaddaasi oo ku soo lebistay dhar blue ah oo qaybka qaadanayay shacniga iyo builicda xafladdaasi iyaga oo dhanka kala class-ka Kulliyaddaasi halkaa ku soo bandhigay Riywaad daawadayaashii xafladdaasi kuraasta qosal kala dheceen taas oo ay ardayda Kulliyaddaasi ku matalayeen arrimaha Social Work-ga iyo qaabka ay tahay inay dadka maadadaa soo bartay ula dhaqmaan bulshadad kale. Riwaayadaasi oo ay soo allifeen arday Kulliyaddaasi waxay qireen daawadayaashii xafladdaasi inay ka qiimo iyo quruxba badnayd kuwo ay soo jeediyaan fanaaniin waaweyn oo fanka ku soo jiray ilaa 1960kii taas oo ay ardaydu ku matalayeen bulshu dhibaataysan iyo shakhsiyaad Social workers ah oo ka caawinaya dadkaasi sidii ay dhibaadadaa ku xalin lahaayeen tusaale fiicanina waxay ahayd qaybtii ka hadlaysay daweynaha oo ka cabanaya xukuumadda oo waxba ka qaban wayday biyo la’aanta dalkaka ka taagan oo mudaaharaad silmi ah soo qaban qaabiyey kadibna warqd ruqsad ah fasax uga soo qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha oo isaguna fasax u siiyey inay si nabad galiyo ah oo aan rabshad iyo qas toona lahayn ku muujyaan cabashadooda. dhanka kale Riwaayaddaasi waxay matalaysay qoysas isku buuqay oo arrinkoodii meel xun gaadhay oo ay waalidkii iyo caruurtoodiiba kala dhaqaaq taagan yihiin kadibna ay qaar caruurtii kamid ahi go’aan ku gaadheen inay dalka katahriibaan markay tii magaalo ahayd soo wada eegtay balse waxaa arrinta qoyskaasi marka dambe xalinaya sida ka muuqatay Riwaayadaasi dadka Social Wokers-ka ah [ardayda Kulliyaddaasi ee Social Work-ga]. ugu horeyn furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdillaahi Maxamuud waxaanu sheegay inay Kulliyadda Sceince-kagaar ahaan qaybteeda Social Wok ay tahay Admas Jamaacadii ugu horesay ee dalka keentay Kulliyadaasi taas oo aan horey uga jiri-jirin jaamacadaha waddanka balse ay maamulka Admas isla qaateen inay Kulliyaddaasi dalka ka higaliyaan kadib markii ay baadhitaan dheer ka jaamacad ahaan ku ogaadeen baahida looqabo Kulliyadddaasi iyo culuumta casriga ah ee ay xanbaarsan tahay bahda dhalinyaradu ka sharaabaan Jaamacadda Admas University College. Mr Xuseen waxa uu sheegay maadaama ay markii ugu horeysay Jaamacadda Admas laga xusayo maalinta caalamiga ah ee Social Work-g ay farxad weyn u tahay maaulka iyo guud ahaanba magaca Jaamacadaba inay bulshada kale ee caalamka kala qaybgalaan xuska maalinta Social workers-ka [dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada] “Caawa farxad weyn bay nootahay aniga oo ku hadlay afka maamulka Jaamacadda Admas inaanu bulshada caalamka kala qaybgalo ka Jaamacad ahaan xuska maalinta caalamiga ah ee Social Workers-ka” ayuu yidhi Mudane Xuseen Cabdillaahi Maxamuud. “Dalku waxa uu leeyahay Schoollo ay dhigtaan dadka dhagaha la iyo kuwa indhoolayaasha ah labadaba waxaabay dakaasi u baahan yihiin inay helaan cidii u shaqayn lahayd oo ah noocan Social Wokers-ka ah ee ay Admas soos aarayso oo kale,” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud. Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Kulliyaddani kamid tahay Kulliyadaha ay Admas ku faanayso oo ah xidigha shamaca u daara Jaamacadda xiligan xaadirka ah taas oo sare u sii qaaday kaalintii xushmada iyo qadarintaba lahayd ee ay Jaamacaddu ku dhex lahyad bulshada reer Somaliland oo iyagu horey u tijaabiyey tayada iyo maamul wanaagga yaalla xayndaabka Admas University College. “anigu barnaaijkan Social work- day-ga ee aynu caawa dabaal daggiisa kala qayb qaadaynayno caalamka kale waxbadan ka sheegi maayo oo waxaan uga u daynayaa Dene-ka Kulliayddaasi Professor Mukhtaar Caabi oo inoo qaadaa dhigidoona balse hadii aan waxyar uun ka tilmaami lahaa waxaan odhan lahaa waa barnaamij u taagan ka shaqaynta arrimaha bulshada isla markaana gacan siinaya dadka jilicdasan oo loo gargaaro iyo in lagala taliyo fafalalka rabshadaha iyo xumaanta keenaya” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Admas Xuseen Cabdiilaahi Maxamuud. waxaa isaguna halkaa khudbad lala yaabay wanaageeda iyo macaakeeda ka soo jeediyey madaxa kulliyaddaasi Professor Mukhtaar Caabi oo khudbadiisa ku soo jeediyey luuqadda Ingiriisiga waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey Socail work-ga iyo waxa uu u taagan yahay “Barnaamijkan Social work waa maado ka warramaysa sida looga shaqeeyo arrimaha bulsahada ama loo xalili mashaakilaadka dhexyaalla bulshada isku cayn iyo bayd go’an” ayuu yidhi Professor Caabi.

dhanka kalana madaxa kulliyadda Social work-gu waxa uu daawada yaashii xafladdaasi u faah faahiyey qofka Socal Woker-ka ah iyo waxa looga baahan yahay isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “qofka doonaya inuu noqdo Social Woeker waai nuu yaqaano ilsa markaana khibarad heer u leeyahay cilmiga Social Work-ga oo leh maadooyin farabadan oo kaladuwan’ ayuu yidhi.dhanka kalana Professor ku waxa uu ka dhawaajiye sida uu ugu han weynyahay Kulliyaddan uu hogaanka u hayo inay goor aan dheerayn soo saaridoonto midhaheedii ugu horeeyey taas oo ay inaga xigaan labasano iyo badh “waxaan ku kuna rajoweynahay inay kulliyadan Social Work-ga ardayda ka soo bixidoonta oo aad caawaba indhiina ku aragtaan waxay idiin soo bandhigeen noqon doonaan hogaamiya yaashii lamahadin lahaa ee dalka iyo dadkaba toosin lahaa sanadaha soosocda” ayuu yidhi Professor Caabi. waxaa isaguna xafladdaasi khudbad ku baxaysay luuqadda Ingiriiska oo laga dhakafaaray quruxdeeda halkaa ka soo jeediyey arday ka tirsan Kulliyadda Social Work-ga oo ku hadlay magaca ardayda lana yidhaado Mr Ismaaciil kaas oo daawada yaashii xafladdaasi dabada u qabtay khudbad cilmiyeysan oo si weyn u dhaqaajisay dareenkooda kana hadlaysay baahida loo qabo inay bulshadu yeelato Social worker-rro u adeega danaha dadka jilicdasan sida caruuraha darbijiifka ah,kuwa naafadaha ee laxaadkooda aan ku shaqaysan karin iyo dadka waayeelka ah ee u baahan in loo gargaaro. waxaa iyana halkaa ka soo jeedisay khudbad taa dhiggeeda oo kale ah Naciima Farxaan Cisaam oo ku iyaduna ku hadlaysay afka class-ka kulliyadda xafladdaasi soo qaban qaabsiay ee Sicial Work-ga waxaanay si weynu ugu hogo tusaalasyay daawadayaashii xafladdaasi baahida dalka ka jirta ee xagga shaqada arrimaha bulshada la xidhiidha. Ms Naciima Farxaan waxay ka sheekaysay arrimaha Social Woker-ka iyo siyaabaha kaladuwan ee ay dadka shaqadaasi yaqaanaa ula tacaamulaan bulshada kale “hadii aan ka hadlo arrimaha Social work-ga inkasta oo ay macalimiintayadii isoo horfadhiyaan hadana waxaan soo bartay inu barnaamijkani yahay mid u adeegaya dadka jicildasan,kuwa naafada ah iyo kuwa laga awoodda badan yahay intaba”ayey tidhi Ms Naciima Farxaan Cismaan. waxaa isaguna madashaasi ka soo jeediyey gabay si weyen u ruxay quluubta daawadayaashii xafladdaasi nin dhalinyaro ah oo ku luuqeeya luuqdii Alle hawnaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cabdullaahi Sudlaan Timacade kaas oo aad loogu bogay gabagyadii uu halkaa ka soo jeediyey gaar ahaan waxay dadku jecleysteen sidii uu u matalayey codkii Abwaan Candullaahi Suldaan Timacade Ilaahay naxriistii jano haka waraabiyee. Marwo Faadumo Siciid oo iyana xafladdaasi ka hadashay waxay sheegtay inay si weyn ugu khusuucday khudbadihii ay soo jeediyeen ardaydii ku hadlaysa afka kulliaydda martida loo ahaa ee Social Work-ga waxaanay sheegtay inaad iyo aad uga qiirootay wixii ay madashaasi ku soo bandhigeen ardayda kulliyaddaasi sida Riwaayadii cajiibka ahayd iyo khubadihii kala duwanaa ee daawadaya yaasha ku kul-akhriyeen labadii arday ee matalayey ardayda kale. “caawa waaba layqaatay oo waan badallahay waxaana aad iyo aad si gaara Ii dhaqaajiyey khudbadii uu jeediyey wiilkii u hadlayey ardayda Social Work-ga” ayey tidhi Marwo Faadumo Siiciid Ibraahim,dhanka kanala waxay ku dheeraatay qiimaha ay leedahay kulliyadani oo ah mid ay dalka ku soo waariday Jaamacadda Admas taas oo aan horey uga jirin sidii aan xaga sare ku soo sheegnay “Jaamacadda Admas aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa maamulkeeda waxaanan leeyahay ilaahay haydinka jasaa’is siiyo Kulliyadan qiimaha badan ee aad ku soo kordhiseen dalka ee Social Work-ga” Wasiirki hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo isaguna madasha xafladdaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay Jaamacadda Admas awl-horaba ahayd hormuudka Jaamacadaha dalka hadana ay ku sii darsatay inay noqotay Jaamacaddii ugu horesay ee dalka keentay Kulliyaddan jaciibka ah ee Social Work-ga ‘Jaamacadda Admas markii horaba waxay hormuud u ahayd Jaamaacadaha kale ee dalka tiro iyo tayaba hadana waxayba ku sii darsatay inay noqotay jaamcaddii ugu horeysay ee Kulliyaan Social Work-ga dalka keentay” ayuu yidhi Mr Geelle. ugu dambeybtiina waxaa halkaa ka hadashay Marwo Shkri Xariir Ismaaciil oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaanay hoosta ka xariiqday baahida balaadhan ee loo qabay Kulliyadan Social Work-ga iyo culuumta laga dabaasho ee casriga ah taas oo dalka iyo dadkaba rajo badan laga qabo inay wax ka badali doonaan aqoonyahanada badhtahama kagajira maadooyinka u dha-dhamaya sidii lamabka oo kale kuwaas oo kala ah sidan.wasiir ku xigeenku waxay sheegray inay dhalinyada la gudboon tahay inay sifiican wax u bartaan xukuumadda waajibka saaranina uu yahay la timaado taladii iyo tuslaalihii fiicnaa ee suurto galin lahaa waxbarashadaasi. 1-Management 2-Civic Education 3-Sociology 4-Psychology 5-Anthropologgy 6- Social Action 7-Social Case work 8-Social Community 9-Socaial Group 10- Reseach 11- iyo Logic gaba gabadii xafladdaasi maamulka Jaamacadda iyo wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrima bulshada iyo agaasimaha wasaaradda tacliinta sare waxay halkaa shahaadooyin abaal-marin ah ku gudoonsiiyeen nin oday ah oo 50 sano in ka badan u taagnaa waxka qabashada wadooyinka burnuray oo dhibaato badan ku yaha gaadiidka iyo dadkaba kaas oo waxbadab ka qabray arrimaha bulshada,wasiirkii hore ee Boosaha iyo is gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo loo aqoonsaday inuu yahay nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan xagga waxbarashada iyo gabadh Khadra la yidhaado oo ah gudoomiyaha ururrka maxalliga ah ee Barwaaqo oo ka shaqeeya arrimaha bulshada jilicddasan. Somaliland.Org/Hargeysa

No Comments

Give a Reply