Munaasibad loo qabtay Kuuliyad cusub oo lagu soo kordhiyay Kuuliyadaha Jaamacadda ADMAS

Munaasibad loo qabtay Kuuliyad cusub oo lagu soo kordhiyay Kuuliyadaha Jaamacadda ADMAS

Munaasibad lagu furayay Kuuliyad cusub oo lagu kordhiyay waxbarashada Jaamacadda ADMAS qaybteeda magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga,

Maamulka sare ee Jaamacadda ADMAS ee Magaalada Hargeysa, Aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo badan, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo halkaa ka shaaciyay Kuuliyad cusub oo ay ku soo kordhiyeen Kuuliyadihii kale ee Jaamacaddaas, taas oo ah KUULIYADDA CILMI-BAADHISTA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA. Waxaanu sheegay in Kuuliyaddan cusub ay wax ka dhigi doonaan oo ay Macallimiin ka noqon doonaan aqoonyahan khibrad u leh Maddooyinka ay dhigayaan, isla markaana Ajaanib ah. Guddoomiye-xigeenka Jaamacadda ADMAS, qaybteeda Hargeysa waxa uu sheegay in Kuuliyadda ay soo kordhiyeen ay tahay mid loo baahan yahay, isla markaana dadku tahay inay bartaan.

No Comments

Give a Reply