Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Ku soo dhaweysay arday Cusub oo ku Soo biiiray

Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Ku soo dhaweysay arday Cusub oo ku Soo biiiray

Jaamacadda ADMAS faraceeda Somaliland ayaa maanta Munaasibada balaadhan oo soo dhawayn ah u samaysay 1188 arday oo kusoo biiray Jaamcadaasi. Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka

qayb galay maamulka sare, Macalimiinta iyo qaar ka mida waalidiinta ardaydaasi cusub. Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayd in ardayda cusub lagu war galiyo nidaamka iyo shuruucda jaamacadda Admas ay leedahay, ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacaddaasi. Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan Cumar ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inuu hambalyeynayo ardayda cusub siday iskaga xilsaareen inay Jaamacada bilaabaan, Waxaa uu Md Ixsaan ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee Jaamacaddu soo martay, waxana uu ku dheeraaday, Aqoonta iyo Waliba qaybaha kala duwan ee ay Bixiso jaamacaddu. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Xuseen C/laahi Maxamud oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay xilka cusub ee fuulay ardaya cusub waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu idinkala hadlaynaa arday ahaan xaqa aad leedahiin iyo waajibka idin saaran, iyo sharciga idin xidhaya, maanta laga bilaabana waxaad tihiin xubin ka mida Admas, wanaagga jaamacadu waa wanaagiina, xumaanteeduna waa xumaantiina, waana inaad ka arday ahaan ka qayb qaadataan kor u qaadida Jaamacada, maanta waxaad soo doorateen Doorsahadii saxda ahayd, waan inaad ilaashataan,.” “ Jaamacan Admas 20/09/2006-dii ayaa la aasaasay, waxana ka qalinjabiyey shan dufcadood, oo maanta marka la eego qaababka deeqaha warbarasho kaalinta koowaad ka qaatay, haday noqdaan aradyii tagay Turkiga iyo Itoobiya, dalka gudihiisana ardaydii way shaqeeyaan intii dadaashay badidoodu, waayo wadanka shaqo way taalaa, taasi waxay ku tusaysaa mustaqbal wanaagsan, waxaad Admas doorateen doorashadii saxda ahayd.” Ayuu yidhi Xuseen. Gudoomiyaha Guddida sare ahna Aaas-aasaha Jaamacada Axmed Daahir Maxamed (Cadnaan) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada Jaamacada Admas, aad ayaad ugu mahad san tihiin inaad jaamacadan soo doorataan, inkastoo wakhtigan Jaamacadihii yara bateen ardaydiina ay ku yara dawakhday teebaa wanaagsan, hada intiina warbaahinta la socotaa tartan ay qabatay dawlada Turkigu ayaa lagu kala reebay jaamacadaha Somaliland oo dhan, tartankaas Istanbul ayuu ka dhacay, Jaamacadaha oo dhan waxaa la yidhi qaar 300 ayaa ugu qayb galay kuwo 200, qaarna 100, Admas kuwaas ayay ka mid ahayd, Jaamacada Admas ayaana tartankaasi hormood ka noqotay, oo waxanu galnay kaalinta, 1-aad, 2-aad, 3-aad, ilaa Todobaad, taasi maaha wax aaanu iska faaninayno ee waa wax aanu shaqaysanay, waana wax ay soo saareen macalimiinta aqoonta leh ee halkaas fadhidaaa, markaas idinku kaalmahaas oo kale ayaad gali doontaan. Madaxa Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy ayaa isaguna soo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dardaaray inay ardaydaasi ay muujiyaan dedaal iyo karti. Axmed-Naasir Xasan oo ah Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS ayaa isaguna si weyn u soo dhawaayey ardadyaasi cusub. Ardaydani ayaa gaadhaya 1188 ee arday ayaa wax ka baran doonaa Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Admas oo kale Ah: ICT, Economics, Management, Accounting, Development Studies, Political Science, engineering, Sociology and social Work.

No Comments

Give a Reply